
Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdulqaadir Jaamac ayaa helay 142 cod, halka xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada) oo la tartamayay uu helay 30 cod.
Cabdulqaadir Jaamac wuxuu xukuumadda Xamse Cabdi Barre ka soo noqday wasiirada gaashaandhigga iyo dekedaha, waxaana lagu eedeeyaa in uu xiriir dhow la leeyahay dowladda Turkiga.
Xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa banneeyay Sheekh Aadan Madoobe oo noqday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
PUNTLAND POST