
Garoowe – 22 Juun: Sharma’arke Dal-daare ayaa loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, kadib markii uu hore uga soo shaqeeyay isla xafiiska isagoo ahaa La-taliye.
Sharma’arke Dal-daare waa ruugcaddaa saxafadeed oo muddo 11 sano ah ku soo jiray mihnadda saxaafadda, isagoo khibrad dheer u leh warbaahinta, tebinta wararka iyo diyaarinta warbixinnada.
Intii uu ku jiray mihnadda saxaafadda, Sharma’arke wuxuu ka soo shaqeeyay warbaahin kala duwan, isagoo door muuqda ka qaatay hawlaha saxaafadeed iyo isgaarsiinta.
Magacaabistiisa xilkan ayaa la filayaa inay sii xoojiso hawlaha warfaafinta, xiriirka warbaahinta iyo isgaarsiinta ee Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.
Sharma’arke Dal-daare ayaa xilkan cusub ku soo biirinaya khibrad iyo waayo-aragnimo uu muddo 11 sano ah ku soo qaatay mihnadda saxaafadda.
PUNTLAND POST