Puntland: Ma jiro ciidan la yiraahdo PSF

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in aysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland.

“Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa inaysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan ciidamada difaaca Puntland” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hadalka madaxtooyada Puntland wuxuu ku soo aaday, xilli qaar ka mid ah waxgaradka beesha Cismaan Maxamuud war-saxaafadeed ay soo saareen shalay ku sheegeen in ciidamada PSF ka tirsan yihiin ciidamada Puntland, islamarkaana ay dhexdhexaadinayaan madaxweyne Deni iyo hoggaanka PSF.

Madaxweyne Deni ayaa 24 Nofeembar 2021 xilka ka qaaday Agaasimaha PSF Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano balse bishii Maarso 2022 ayuu markale u magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces), isaga oo hay’adda u kala qaybiyay (PSCF iyo PISF).

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Deni iyo ciidamada PSF ayaa marar kala duwan dagaal dhexmaray, waxaana kii ugu dambeeyay uu todobaadkii hore ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Boosaaso.

PUNTLAND POST