Argentina oo markale gaartay kama dambaysta tartanka Koobka Aduunka

Xulka Argentina oo difaacanaya tartanka Koobka Adduunka (ku guulaystay 2022) ayaa markale gaaray kama dambaysta, kaddib markii uu caawa guul soo laabasho ah ka gaaray xulka England.

Argentina ayaa labo gool iyo hal kaga adkaatay England, waxaana goolasha oo Messi caawiyay yimaadeen daqiiqadii u dambeeyay ee ciyaarta, kuwaas oo ay kala dhaliyeen ciyaaryahanada Enzo Fernandez iyo Lautaro Martinez.

England ayaa ciyaarta goolka la hormartay daqiiqadii 55-aad, hase ahaatee waxaa labada gool laga keenay daqiiqadihii 85-aad iyo 90+2-aad, taas oo soo afjartay rajaqdi England ay ka lahayd in ay 60 sano kaddib gaarto kama dambaysta tartanka Koobka Adduunka.

Argentina waxay hadda ciyaarta kama dambaysta ah ee tantanka Koobka Adduunka 2026 la ciyaari doona xulka Spain, taas oo 19-ka bishan ka dhici doonta garoonka MetLife oo ku yaalla magaalada East Rutherford, gobolka New Jersey ee dalka Maraykanka.

PUNTLAND POST