
Xulka qaranka Faransiiska ayaa gaaray afar dhammaadka Koobka Adduunka 2026, kaddib markii uu u awood sheegtay xulka Marooko oo ahaa kan keliya ee wareegga siddeed dhammaadka ku matalayay qaarada Afrika.
Xulka Faransiiska wuxuu uga adkaaday Marooko 2-0, waxaana goolasha qaybtii dambe ee ciyaarta u dhaliyay weeraryahanada Mbappe iyo Dembele.
Koobka Adduunka oo kulankii ugu horreeyay ee siddeed dhammaadka la ciyaaray waxaa hadda isugu soo haray lix xul oo ka socda qaarada Yurub iyo Argentina oo difaacanaysa koobka, maadaama ay qaaday kii 2022.
Faransiiska oo Koobkii Adduunka ee 2018 ku guuleystay, islamarkaana kii 2022 gaaray kama dambaysta ayaa sanadkana ka mid ah xulal loo saadaalinayo in ay guuleystaan tartankan.
PUNTLAND POST