
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan gaar ah madaxtooyada Garoowe kula qaatay guddoomiyeyaasha degmooyinka, kuwaas oo maalmahan shir uga socday caasimadda.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta hannaanka maamul-daadejinta, xoojinta wada-shaqeynta dowladda Puntand iyo degmooyinka, iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Kulanka waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, waxaana ka qaybgalay dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka ee lagu soo doortay hannaanka qof iyo codka ee tooska ah.
Sidoo kale, kulanka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha oo uu hoggaaminayay wasiir Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland Carshe Maxamed Siciid.
PUNTLAND POST