
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xilka ka qaaday Agaasimaha Hay’adda Forensic Sayniska, Cabdirashiid Maxamed.
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa lagu yiri “Waxaa Cabdirashiid Maxamed Shire laga qaaday xilkii Agaasimaha Hay’adda Forensic Sayniska Puntland”.
Sababta xilka qaadista keentay ayaa lagu sheegay baahi loo qabo dardargelinta, dib-u-habeynta iyo tayeynta maamulka Hay’adda Forensic Sayniska Puntland.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidaan oo kale maalin ka hor xilka ka qaaday maamulkii telefishinka iyo raadiyaha dowladda Puntland.

PUNTLAND POST