Firdhiye oo magacaabay guddi baaris ku sameeya dilkii Adhicadeeye

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa maanta magacaabay guddi baaris ku sameeya dhacdadii dadka rayidka ah lagu laayay ee dhawaan ka dhacday deegaanka Adhicadeeye ee gobolka Sool.

Guddiga oo ka kooban shan xubnood oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Waqooyi Bari ayaa loo igmaday in ay si madaxbanaan u baaraan dhacdadii dadka lagu laayay.

Sidoo kale waxaa loo xilsaaray in ay dib u eegis ku sameeyaan dhammaan doorkii iyo tallaabooyinkii ay qaadeen hay’adaha amniga ka hor iyo kaddib dhacdadaas.

Deegaanka Adhicadeeye ayaa dhawaan lagu dilay dad rayid ah oo gaaraya 25 qof, kuwaas oo la sheegay in ay ku jireen haween iyo odayaal dhaqan.

PUNTLAND POST