
Wasiiro ka tirsan Puntland oo maalmahan ku sugnaa gobolka Mudug ayaa shalay beesha Nuux jibraahil kala wareegay ciidan beeled ku sugnaa deegaanka Samasabdho.
Ciidan beeleedkan oo gaarayay in ka badan 100 nin oo wata gaadiid dagaal ayaa wasiiradu sheegeen in hadda kaddib ay ka mid yihiin ciidamadda difaaca Puntland, islamarkaana ay mas’uuliyadooda qaadi doonto dowladda.
Ciidamadan waxaa la qarameeyay, xilli ciidamada Puntland ay mararka qaar ka cowdaan mushaar la’aan, taas oo sababta in ay xirtaan waddooyinka muhiimka ah.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa deegaannada Puntland ku soo badanayay ciidan beeleedyada, kuwaas oo qaarkood ku biireen dowladda federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST