Puntland: Gabadh wariye ah oo lagu xiray Garoowe

Booliska magaalada caasimadda ah ee Garoowe ayaa maanta xiray Suweys Jaamac Maxamuud Gacayte oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Puntland, gaar ahaan gobalka Nugaal.

Wariye Suweys Gacayte ayaa laga soo xiray hoygeeda Garoowe, halkaas oo la sheegay in ay ugu daateen ciidamo ka tirsan Booliska Puntland, iyada oo aan la ogayn sababta loo xiray.

Wariye Suweys Gacayte oo caan ku ah soo gudbinta ra’yiga dadweynaha iyo arrimaha madadaalada, waxaa xariga loo gaystay si weyn u cambaareeyay suxufiyiinta Puntland.

PUNTLAND POST