
Maamulka gobolka Mudug ayaa joojiyay shirarka iyo kulamada siyaasadeed ee oggolaansho la’aanta lagu qabto, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday guddoomiyaha gobolka Cabdiweli Jibriil Bayle.
“Waxaa la farayaa taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug, taliyaha hay’adda nabadsugida gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka in aan shirar siyaasadeed oo aan fasax looga haysan maamulka gobolka Mudug lagu qaban karin hoteelada iyo meelaha kaleba” ayuu yiri guddoomiye Bayle.
Sidoo kale maamulka gobolka Mudug wuxuu ku wargeliyay maamulayaasha hoteelada iyo goobaha shirarka in aan xarumahooda lagu qaban karin shir siyaasadeed oo aan ogolaansho ka haysan dowladda.
Maamulka gobolka Mudug ayaa sheegay in ciddii ka hor-timaada meelmarinta amarkan laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.
Puntland ayaa dhawaan sidaan oo kale gobolka Karkaar uga mamnuucday shirarka siyaasadeed iyo kulamada aysan ka warheyn dowladda.

PUNTLAND POST