Suldaan Garaase oo ka hadlay xaaladda Puntland

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah isimada dhaqanka Puntland ayaa sheegay in aan qofna laga oggolaanayn in la dumiyo dowladnimada iyo jiritaanka Puntland.

Suldaan Garaase ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “qofna kama oggolaanayno in uu dumiyo Puntland, qiime kasta ayaan ku bixinaynaa difaaceeda”.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan oggolayn in dowladda federaalka Soomaaliya dumiso maamul dhisan oo nabadi ka jirto iyo in iyada la dumiyo.

Suldaan Garaase wuxuu ugu baaqay mucaaradka ka soo horjeeda xukuumadda hadda jirta in ay kala gartaan madaxweyne Deni iyo dowladnimada Puntland, isaga oo shacabkana u soo jeediyay in ay ilaashadaan dowladooda iyo midnimadooda.

Hadalka Suldaan Garaase ayaa yimid, xilli magaalada caasimadda ah ee Garoowe iyo deegaanno kale laga dareemayo xiisad amni oo u dhaxaysa Puntland iyo ciidamo taageersan federaalka.

PUNTLAND POST