Daacish oo jartay isgaarsiinta Calmiskaad

Wararka ka imanaya buuraha Calmiskaad ayaa sheegaya in ururka Daacish ay xalay jareen isgaarsiin deegaanka Sheebaab ee degmada Qandala, gobolka Bari.

Waxaa la sheegay in ay qarxiyeen ateenada shirkadda isgaarsiinta Golis oo ku taallay meel u dhow tuulada Sheebaab, lamana soo sheegin wax ka khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkaas.

Waa markii labaad oo sanadkan gudihiisa ay Daacish jarto isgaarsiin deegaanka Sheebaab oo ah mid muhiim ah oo isku xirta deegaanno badan oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad.

Dhammaadkii bishii AbriilĀ ee sanadkan waxay Daacish dishay labo shaqaale ah oo ka tirsan shirkadda isgaarsiinta ee Golis ee deegaanka Sheebaab.

PUNTLAND POST