Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirrada Puntland?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen golaha wasiirrada, kaas oo lagu faahfaahiyay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada.

Shirka waxaa al sheegay in looga hadlay amniga xuduudaha Puntland iyo kan gudaha, iyada oo warbixin laga dhageystay wasaaradda amniga oo soo bandhigtay amniga guud iyo shaqooyinka amni ee socda.

Golaha wasiirrada waxay ku wargeliyeen guddiga dib u habaynta shaqaalaha in ay soo gudbiyaan warbixin rasmi ah oo ku saabsan dib u habaynta shaqaalaha Puntland.

Wasaarada dhilnyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa iyaduna ka warbixisay xuska maalinta Olympic-da Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Garoowe.

PUNTLAND POST