Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in uu bilowday xilliga bad-xiranka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu bilowday xilliga bad-xiranka, oo ah xilli mowjado iyo dabeylo xoog leh ka jiraan Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay ganacsatada, kalluumeysatada iyo muilkiilayaasha gaadiidka badda in ay digtoonaadaan tan iyo 15 bisha Sebteembar.

Waxaa si gaar ah loogu digay doomaha yaryar, kuwa waaweyn iyo maraakiibta cabirkoodu ka yar yahay 1,500 Metric Ton. Sidoo kale shacabka ayaa looga digay in ay muddadaas ku dabaalan badda, si looga fogaado halis naf iyo mid hantiyeed oo ka dhalan karta xaaladaha cimilada.

PUNTLAND POST