Sacdiyo Bajaaj oo xukun lagu riday

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir ayaa maanta saddex sano oo xabsi ku xukuntay Sacdiyo Macallin Cali (Sacdiyo Bajaaj), taas oo ah gabadh dhalinyaro ah oo dowladda u xirnayd muddo labo bilood ka badan.

Sacdiyo Bajaaj ayaa lagu eedeeyay in ay dhaliilo iyo hadallo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud marisay baraha bulshada, gaar ahaan barteeda TikTok.

Sacdiyo Bajaaj oo ahayd gabadh ku shaqaysata gaadiidka Bajaajta loo yaqaano, waxaa markii koowaad lagu xiray bannaanbax ka dhan ah kor u kaca qiimaha shidaalka ee Muqdisho.

PUNTLAND POST