
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku guddoomiyay shir uu la yeesheen wasaaradda waxbarashada & tacsliinta sare, guddiga tacliinta sare iyo bahda jaamacadaha.
Shirka oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda waxbarashada ayaa la sheegay in looga hadlay qodobo la xiriira horumarinta tacliinta sare ee Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
1. Dib-u-habaynta iyo xoojinta wada-shaqaynta u dhexaysa guddiga tacliinta sare iyo bahda jaamacadaha Puntland.
2. Kor u qaadista tayada tacliinta sare, horumarinta aqoonta tiknoolajiyadda, xoojinta cilmi-baarista, adkaynta nidaamka waxbarashada, iyo hirgelinta siyaasadaha iyo xeerarka hagaya tacliinta sare.
3. Iyo dardargelinta dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada si loo helo jiil aqoon leh oo si wax ku ool ah uga qayb qaata horumarka Puntland.
Ugu dambayn, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku boorriyey bahda waxbarashada Puntland in ay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan kobcinta aqoonta, cilmi-baarista, iyo horumarka bulshada.






PUNTLAND POST