Puntland oo mamnuucday dadka xilalka ka haya Dowladda Federaalka

Wasaaradda amniga Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in xuduudaha iyo garoomada Puntland aysan soo geli karin dadka magacaaban ee darajooyinka iyo xilalka haya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Puntland waxay mamnuucday in ciidamo maleeshiyaad ah laga dhex qorto deegaannadeeda iyo in tikniko ay wataan maleeshiyaad sharci darro ah wax dhaqdhaqaaq iyo isu socod ah ka sameeyaan deegaannadeeda.

Waxa kale oo Puntland mamnuucday shirarka lagu waxyeelaynayo jiritaankeeda, iyada oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadayso ciddi isku dayda arrintaas.

PUNTLAND POST