Xildhibaannada Puntland oo loo qaybiyay xeer wax-ka-beddel lagu sameynayo

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 8-aad ee kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta ee Golaha ayaa lagu guda galay qodobka 6-aad ee ajandaha Kalfadhiga 58-aad, kaas oo khuseeya xeerarka ay xukuumaddu soo gudbiso ama kuwa uu Goluhu curiyo.

Xildhibaannada ayaa loo qaybiyay wax-ka-beddelka xeerka maamulka gobollada, degmooyinka iyo dowladaha hoose ee Puntland, si ay ugu soo sameeyeen akhriska 1-aad ee xeerka, iyadoo la raacayo qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Ugu dambayn, Golaha Wakiillada Puntland ayaa dib isugu soo laaban doona maalinta sabtida, 27 Juun 2026, si loo dhamaystiro akhriska 1-aad ee wax-ka-beddelka xeerkan.

PUNTLAND POST