Baarlamaanka Puntland oo xasaanadda siiyay mas’uuliyiin uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Deni

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta xasaanadda siiyay golaha wasiirada ee dhawaan magacaabay madaxweyne Deni, kuwaas oo si kumeelgaar ah u sii waday shaqooyinka wasaaradaha loo magacaabay.

Xasaanad siinta wasiirada waxaa oggolaaday 52 mudane, waxaana diiday 4 mudane, halka 2 mudane ay ka aamuseen, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Sidoo kale Baarlamaanka Puntland wuxuu maanta xasaanadda siiyay guddoomiyaha bangiga dowladda, Maxamed Maxamuud Cabdullaahi, kaas oo ay ogolaadeen 48 xildhibaan.

PUNTLAND POST