
Meydka 21 qof oo ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee shalay lagu dilay tuulada Adhicadeeye ee gobolka Sool ayaa maanta aas wadareed loo sameeyey.
Dadkan aas wadareedka loo sameeyay oo ka soo jeeda beesha Fiqishini ayaa saaka meydkooda lagu wareejiyey ehelkooda, kuwaas oo aas wadareed ugu sameeyey deegaan u dhow Adhicadeeye.
Dagaal beeleedkii shalay ka dhacay Adhicadeeye ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 25 qof, kuwaas oo la sheegay in ay ku jiraan odayaal dhaqan iyo haween.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa weli ka hadlin dhacdadan foosha xun oo daba socota dhacdo kale oo dhawaan ka dhaday deegaanka Madax-lagu-xoor.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa deegaannada Soomaalida ka dhacayay dagaal beeleedyo fool xun oo sababay in la laayo dad tiro badan oo qaarkood yihiin kuwa dilka ka caaggan ee loo yaqaan Biri-ma-geydo.
PUNTLAND POST