
Dowladda Soomaaliya ayaa amaantay madaxweynha Maraykanka Donald Trump oo marar badan Soomaaliya ku tilmaamay dalka ugu xun adduunka.
War-saxaafadeed ka baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay oo dhaweynayso heshiiska nabadeed ee dhexmaray Maraykanka iyo Iiraan.
Dowladda Soomaaliya waxay ku bogaadisay labada dhinac in ay doorteen diblomaasiyad iyo wada-xaajood, si loo dhimo xiisadaha, loona horumariyo nabadda.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay aqoonsan tahay doorka muhiimka ah iyo dadaallada Madaxweyne Donald J. Trump ee lagu hormarinayo nabadda.

PUNTLAND POST