
Siyaasi Xasan shire Abgaal oo ka mid ah mucaaradka hubaysan ee Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Garoowe, kaddib muddo uu ku maqnaa magaalada Muqdisho.
Xasan Shire oo ka mid ah siyaasiyiinta xiriirka dhow la leh Villa Somalia ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe, waxaana magaalada u sooo galbiyay gaadiid dagaal.
Dhanka kale Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya u magacowday Taliska Qaybta 54-aad ee Puntland ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda soo gaaro magaalada Garoowe.
Xasan Shire, Asad Diyaano iyo Gen. Jimcaale ayaa dhawaan ka soo muuqday sawir hadal hayn badan dhaliyay, kaddib markii ay ka soo garab muuqdeen madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, iyaga oo ku sugan Villa Somalia.
Gen. Asad Diyaano, Gen. Jimcaale iyo siyaasi Xasan Shire Abgaal waxaa ka amar qaata ciidamo badan oo ku sugan deegaannada Puntland, kuwaas oo ka mushaar qaata dowladda federaalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST