Garsoore Cumar Cartan oo loo diilay Maraykanka iyo FIFA oo ka hadashay

Garsooraha Soomaaliga ee kubadda cagta Cumar Cabduqaadir Cartan oo ka mid ahaa garsoorayaasha loo xushay Koobka Adduunka ee sanadkan ayaa loo diiday in uu galo Maraykanka, wuxuuna sidaas ku seegay ka qaybgalka dhacdada ugu weyn kubadda caggta oo 11 bishan Juun ka furmaysa dalalka Maraykanka, Kanada iyo Meksiko.

Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA oo ka falceliyey is hor taagga uu la kulmay garsoore Cumar Cartan ayaa sheegay in aanay waxba u qaban karin Cartan oo aanay kala hadlin karin dawladda Maraykanka, maaddama dawladduhu ay mas’uul ka yihiin arrimaha socdaalka.

Cartan oo sitay baasaboorka diblumaasiga ah ee Soomaaliya ayaa laga soo celiyey garoonka diyaaradaha magaalada Miami ee dalka Maraykanka, isaga oo shalay gelinkii dambe soo gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aad uga carooday in Maraykanku uu dalkiisa u diido Cumar Cartan oo noqon lahaa Soomaaligii ugu horreeyay oo garsoore ka noqda Koobka Adduunka, waxayna qaarkood ay arrintaas ku dhaliileen Dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen in ay ka gaabisay.

Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa ku guulaystay garsooraha ugu fiican ee qaarada Afrika sannadkii 2025, waxaana billadaas guddoon siiyay xiriirka kubadda cagta ee Afrika (CAF).

PUNTLAND POST