Muqdisho-(Puntland Post)-Kulan ay ku wada qaateen magaalada Muqdisho wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Danjire Maxamed Cismaan,ayaa lagu gorfeeyay kaalinta ay Imaaraadku ka qaadan karto soo nooleynta Millitery-ga Soomaaliya.
Gen:Diini oo u warramayay saxaafadda ayaa sheegay inay Danjiraha isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dal, isagoo xusay in dowladda Imaaraadku ay balan-qaadday sii adkaynta tababbarka iyo tayaynta ciidamadda qalabka-sida.
Sidoo kale Safiirka Dowalada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay kordhin doonaan taageerada Soomaaliya ee dhinacyada dhaqaalaha siyaasadda,ciidamada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

