Liiska xubnaha ku guuleystay baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyay liiska xubnaha ku guulaystay xildhibaannada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo 15 ka mid ah ay yihiin haween.

Guddiga ayaa shaaciyay 92 xubnood, waxayna sheegeen in saddexda kursi ee dhiman ay ku maqan yihiin ururadii siyaasadda ee ay tartamayeen.

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed waxaa 51% helay ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo madaxweynaha maamulkaas u wata Aadan Madoobe.

PUNTLAND POST