Garsooraha ugu fiican Afrika oo ka hadlay ciyaartii Garoowe iyo Qardho

Garsooraha Soomaaliga ee kubadda cagta Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa sheegay in uu sax ahaa kaarkii casaanka ahaa ee galabta la siiyay gool-hayaha xulka Qardho.

Sidoo kale garsooraha caalamiga ah ee Cartan wuxuu tilmaamay in uu sax ahaa riigoorihii la dhigay, isaga oo ku amaanay go’aankaas garsoorihii dhexdhexaadiyay kulanka Garoowe iyo Qardho.

Garsoore Cartan oo soo qaatay muuqaal muujinaya khaladka uu sameeyay gool-hayaha Qardho ayaa yiri “Kubbadani waa Roose iyo Penalty Card, wuxuuna mudanyahay amaan aad u weyn garsoorka dhigay kubbadan”.

Sidoo kale garsoore Cartan wuxuu dhaliilay kooxdii garoonka ka baxday, isaga oo sheegay in ay taasi caddeyn u tahay aqoon yarida dhalinyarada ka haysata dhanka shuruucda kubadda cagta.

Wuxuu ku taliyay in hadda kaddib tababar la xiriira shuruucda kubadda cagta loo furo kooxaha inta aysan bilaaban tartamada noocaan ah ee Puntland.

Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa ku guulaystay garsooraha ugu fiican ee qaarada Afrika sannadkii 2025, waxaana billadaas guddoon siiyay xiriirka kubadda cagta ee Afrika (CAF).

PUNTLAND POST