
Kooxda Arsenal ayaa taariikhda markii labaad gaartay kama dambaysta (final) tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League, kadib markii ay lugtii dambe ee afar dhamaadka 1-0 uga adkaatay kooxda Atletico Madrid oo lugtii hore ay wada galeen barbardhac 1-1 ah.
Arsenal waxaa kama dambaysta tartankan xiisaha iyo xamaasada badan ee UEFA Champions League ugu dambeysay uguna horreysay 2006, markaas oo ay qaaday kooxda Barcelona.
Kooxda reer London ee Arsenal ayaa lagu tilmaamaa in ay guuldarraysatay, maadaama ay tahay kooxda keliya ee weyn oo aan waligood ku guuleysan horyaalka Yurub.
Arsenal waxay ciyaarta kama dambaysta ah 30 bishan Maajo wajihi doontaa Bayern Munich iyo PSG midkood, kuwaas oo arbacada ku kala baxaya lugta labaad ee afar dhammaadka.
Ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka kooxaha Yurub ayaa ka dhici doonta magaalada Budapest ee caasimadda dalka Hungary, halkaas oo ay durba tigidhada u jarteen taageerayaasha Arsenal.
Arsenal waxaa sanadkan ka go’an in ay ku wada guulaysato horyaalka Ingiriiska ee Premier League iyo tartanka kooxaha Yurub.
PUNTLAND POST