
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay madaxtooyada qaranka garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen xiriirka kubadda cagta Afrika ee CAF.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey garsoore Cumar Cartan guusha taariikhiga ah ee uu xaqiijiyey, waxa uuna tilmaamay in abaal-marintan ay muujineyso kartida iyo daddaalka uu geliyey kor u qaadidda xirfaddiisa, isaga oo u rajeeyey meel halkaa ka sareysa oo heer caalamiya inuu gaarsiiyo magaca Soomaaliyeed.

Dhankiisa, garsoore Cumar Cartan ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo qaabilaadda, waxa uuna xusay in maamuuskan uu ku dhiirrigelinaayo in sii wado dadaalkiisa ku aaddan matalaadda caalamka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamiga ah.
Cumar Cartan ayaa noqday Soomaaligii u horreeyay ee ku guuleystay abaalmarintan, waxayna ka tarjumeysaa xirfadeediisa iyo ixtiraamka uu ka heysto garoomada Afrika.
PUNTLAND POST