
Boosaaso iyo Hargeysa (Faallo) — Heshiiskii is afgarad amni ku dhexmaray Nayroobi maamulka Puntland iyo maamulka Somaliland wuxuu dad badan xusuusiyay Maxamed Abshir Walde oo qoray in dhowrista midnimada Soomaaliya iyo is fahansiinta koonfur iyo waqooyi ay tahay mid ka mid ah sababaha loo asaasay Puntland.
Dhanka Puntland waxaa heshiiska is afgarad u saxiixay xubno beelahoodu ka tirsan yihiin maamulka Waqooyi Bari. Wafdiga Puntland wuxuu madasha shirka geeyey nuqul ah buugga Somalia: The Untold History, 1941-1969 uu qoray Maxamed Ciise Turunji. “Bantu iyo Haashimiyiin baa wada hadlaya” ayuu yiri nin ka mid ahaa wafdiga Puntland. Wafdiga Somaliland hadalkaas way fahmi waayeen. Buugga Turunji waxaa ku qoran in bartamihii afartamaadkii qarnigii 20aad ay odayaal ka tirsan beesha reer Sheekh Isxaaq dhiseen urur la oran jiray Isxaaqiya oo soo saareen baaq siyaasadeed. Waxay ku doodeen inay yihiin duriyaddii Nabi Maxamed iyo Haashimiyiin, oo aysan marnaba doonaynin inay wax la wadaagaan “Daarood oo Baantu ah (Bantu).”
Waxaa yaab leh in Daarood iyo Isaaq ku abtirsadaan Cali Bin Abii Daalib. Garta abtirsiinyada qeybteeda koowaad waxay dhowr sano ka hor ka dhacday Boosaaso. Dr Cabdiraxmaan Baadiyow oo cashar taariikh ah ka jeedinayay jaamacad ku taalla Boosaaso dhowr sano ka hor ayay ardaydu u sheegeen in gobolka Bari leeyahay taariikh dheer, inuu gobolku xiriir la lahaa Faraaciintii Masar iyo in dadka hadda ku nool Puntland ka soo jeedaan dadkii soo dhoweeyay Boqoraddii Xatsabshuut. Dr Baadiyow wuxuu su’aalay ardayda inay is waafajiyaan sheekada in Darood ka soo jeedo Carab oo halkan yimid muddo aan ka badnayn kun sano ka hor iyo inay ardaydu ka soo jeedaan dadkii xiriirka la lahaa Faraaciinta. Ardaydu waxay doorteen inaysan Carab ahayn.
Su’aasha meesha taalla waa: Maxay “Haashimiyiinta ku nool Soomaaliya u doonayaan inay Soomaaliya kala go’do iyagoo og inay jirto Boqortooyada Haashimiyada ee Jordan oo ah dalka Haashimiyiinta ay goosasho-doonku ku abtirsadaan?

Buugga Turunji wuxuu ku salaysan yahay xogo badan oo laga soo ururiyay goobta lagu keydiyo qoraallada taariikhiga ee Biritayn (National Archives) oo ku taalla Galbeedka London. Wafdigii Puntland wuxuu si fudud ugu qanciyay wafdigii maamulka Somaliland inay meel iska dhigaan ereyga “jamhuuriyad” waayo Soomaaliya waa hal dal oo leh hal madaxweyne, hal caasimad iyo hal dowlad la aqoonsan yahay ka sokow ismaandhaafka jira.
Waa dooddii Cabdirashiid Cali Sharmaake in Hartiga Waqooyi dhulkiisa kuraasta taalla uu xisbiga SYL gacanta ku hayo. Sheekh Shariif ayaa bilaabay in maamulka Somaliland si gaar ah loola hadlo isagoo ogaa inuu muran dhuleed kala dhexeeyay Puntland. Waxaa Somaliland ku sii fogeeyay dareenka goosasho-doonka ah Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo u xusul-duubayay codadka beesha Dirta. Doorashada soo socota way adag tahay in Dirta Waqooyi Xildhibaannadooda iyo Senatarradoodu codeeyaan haddii weli maamulka Somaliland sheeganayo dal gaar ah oo Madaxweynaha dowladda federaalku uusan booqan karin.
In maamulka Somaliland isku dayay inuu Itoobiya bad ka kireeyo waxaa sababay fahandarrada siyaasiyiinta koonfuurta ka haysatay taariikhda dhaqdhaqaaqa goosasho-doonka Soomaalida iyo kaalinta Puntland ku leedahay difaacista midnimada Soomaaliya. Sanadkii 2023 Puntland ayuu ku wada dhacay culayska in goosasho-doonka laga difaaco burburinta midnimada Soomaaliya. Puntland waxay dunida tustay in Garoowe uga faradhuudhuuban tahay Muqdisho la xaajoodka goosasho-doonka waayo waa maamullo muran dhuleed uu ka dhexeyn jiray laakiin kala ah reer Xaam iyo reer Saam.
© Puntland Post, 2025