
Alle ha u naxariistee, taliyihii ururka 2aad ee Komaandada PMPF Kabtan Maxamuud Jaamac Leexo iyo sarkaal Siciid Maxamuud Maxamed (Jiqda) ayaa saaka ku geeriyooday qarax lagu la eegtay nawaaxiga degaanka Dasaan ee Calmiskaad.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa labada sarkaal ku dhinteen uu ahaa miino ay jidka ku aaseen mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish, taasi oo la kacday baabuurkii ay saarnaayeen oo marayay wadada degaanka Dasaan ee degmada Qandala.
Kabtan Leexo wuxuu horay ugu dhaawacmay qarax la kacay gaarigii uusaarnaa markii dharjaale ciidanku ka guureen, markale wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii Haraaryo, waxaana xusid mudan in Markasta oo uu bogsado uu dib ugu laaban jiray furimaha dagaalka.
PUNTLAND POST