
Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane, oo ka tirsan guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Puntland ayaa shaaciyay miisaaniyadda lacageed ee dowladda Puntland bil kasta ku bixiso mushaarka ciidamada SSC-khaatumo.
Xildhibaan Dhaashane, oo faahfaahiyay miisaaniyadda dowladda Puntland ku bixiso mushaar-siinta ciidamada SSC ayaa sheegay in bil kasta lacag dhan 1.8 milyan lagu bixiyo xuquuqda iyo mushaarka ciidamada Khaatumo, oo ka kooban kuwii Puntland u diiwaan-gashanaa iyo kuwii ka soo baxay Somaliland ee la qarameeyay.
“Miisaaniyadda dowladda Puntland ugu jirta ciidamada SSC-khaatumo intii hore Puntland uga tirsanayd iyo intii la qarameeyay ee ka soo baxay Somaliland, waa 1.8 milyan bil kasta si joogta ah bay uga baxdaa khasnadda dowladda” ayuu yiri xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Puntland.
Xildhibaan Dhaashane oo sidoo kale kamid ah garabka muxaafidka ah ee Baarlamaanka ee taageersan Xukuumadda Deni ayaa dhinaca kale sheegay in aysan dowladda Puntland wax canshuur ah ka qaadin dhammaan agabka ciidan ee dibadda uga yimaada ciidamada SSC-khaatumo, oo ay ku jiraan hubka iyo gaadiidka dagaalka ee gaashaaman.
PUNTLAND POST