
Weerarada militariga Israa’iil ayaa burburiyay boqolkiiba 70 ceelasha biyaha iyo sidoo kale boqolkiiba 50 matoorada bulaacadaha wasakhda qaada ee waqooyiga Qaza, sida uu xaqiijiyay duqa magaalada Beit Lahia, Alaa al-Attar, taas oo uga ka sii daraysa xaaladaha nadaafadeed.
“Dhammaan dalagyadii beeraha ee magaalada Beit Lahia oo ahaa isha kowaad ee cuntada marinka ayaa la burburiyay” ayuu yiri Alaa al-Attar.
Kooxaha gargaarka ayaa sheegaya in la’aanta biyo nadiif ah, nafaqo, faya-dhowr iyo daryeel caafimaad oo la isku halayn karo oo Qaza ka dhacdaa ay keenayso cudurrada faafa, oo uu ku ugu horeeyo cagaarshowga A, uu ku faafo deegaanka.
PUNTLAND POST