
Qori-tuurka isku-aadka kooxaha u soo gudbay wareegga 16-ka Horyaalka Yurub (UEFA Champions League) ayaa goor dhoweyd waxa lagu soo gabogabeeyey xarunta UEFA ku leedahay Nyon, Switzerland.
Isku-aadkaan oo in badan la sugayey ayaa waxaa ugu xiiso badan kulamada dhex mari doona Arsenal iyo Barcelona, Juventus iyo Bayern Munich, iyo PSG iyo Chelsea.
Isku-aadkii oo buuxa waxa uu u dhacay sidaan hoose.
| Koox | Koox | |
|---|---|---|
| Arsenal | × | Barcelona |
| Benfica | × | Zenit St Petersburg |
| Dynamo Kiev | × | Manchester City |
| Gent | × | Wolfsburg |
| Juventus | × | Bayern Munich |
| Paris Saint-Germain | × | Chelsea |
| PSV Eindhoven | × | Atletico Madrid |
| Roma | × | Real Madrid |
Lugta hore ee kulamadaan ayaa la filayaa in ay dhacdo bartama Febraayo, 2016 halka lugta danbena ay dhici doonta bilowga Maarso 2016.