Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab oo iska dhiibay magaalada Baydhabo

Ciidamada Amniga magaalada Baydhabo ayaa soo bandhigay 10 xubnood oo sida ay sheegeen iska soo dhiibay Al-shabaab.

Saraakiisha Laamaha Amniga Baydhabo ayaa sheegay in xubnaha isa soo dhiibay ay ka tirsan yihiin kooxda Jabhadaha u qaabilsan Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay xubnahan iska soo dhiibay Baydhaba ay noqonayaan tiradii ugu badnayd ee hal mar iska soo dhiiba Al-shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay sii kordhayaan dhalinyarada iska soo dhiibaya Al-shabaab kadib markii ay soo ajiibeen baaqii dowladda.

PUNTLAND POST