
Xildhibaan Ilhan Cumar oo safar ku joogta Puntland ayaa maanta booqanaysa degaanka ay ka soo jeedo.
Marwo Ilhan ayaa lagu wadaa in ay booqato degmada taariikhiga ah ee Bander-bayla oo dhacda xeebta badweynta Hindiya.
Xildhibaanka ayaa xalay ku hoyatay magaalada Qardho halkaas oo loogu sameeyay soo dhawayn.
Xildhibaan Ilhan oo ka tirsan Baarlamanka Maraykanka ayaa markii u horraysay Puntland timid tan iyo intii ay xilkan qabatay.
PUNTLAND POST