Xubnaha Golaha Wasiirada Puntland oo ka qayb-galaya Shirka Khamiislaha ayaa dhammaantood Taleefonnada laga ururiyay sida aan xogta ku helnay.
” Dhammaan Wasiirada ayaa lagu amray in ay Taleefonnada reebaan ka hor inta aysan gelin Shirka waxaana laga ururiyay Taleefonnada” ayuu yiri qof goob-joog ahaa oo ku sugan Madaxtooyada Garoowe.
Qofkan oo diiday in magaciisa la xigto maadaama aanu ogolaansho u haysan la-hadalka Saxaafadda ayaa sheegay in aanu garanayn sababta Taleefonnada looga ururiyay Wasiirada.
Puntland Post waxay ku jirtaa raadinta xog dheeriya oo ku saabsan warkan oo aysan weli si madax-bannaan u xaqiijin.
PUNTLAND POST