Wararkii u dambeeyay ee kulamo xalay ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobollada waqooyi ee Somaliland.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo la kulmay siyaasiyiinta waqooyi ee uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxay kala hadleen xallinta tabashooyinka ka jira kuraasta Somaliland.

Sidoo kale, waxay ka wada-hadleen sidii siyaasiyiinta Waqooyi ugu heshiin lahaayeen guddiga doorashooyinka ee dhinaca Somaliland, iyadoo Is fahamkii Baydhabo ka dhacay 16 Febraayo la isla gartay in xubnaha guddiga doorashada Somaliland ay kala qeybsadaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Dhinaca kale, waxaa xalay Muqdisho ku kulmay madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta, waxaana ay ka wada-hadleen xallinta muranka arrimaha doorashooyinka.

PUNTLAND POST