Dowladda Suudaan, ayaa qorsheyneysa inay Itoobiya ku wareejiso 60 maxbuus oo lagu qabtay iska hor imaadyadii ka dhacay xuduudda labada dal.
Qorshahaan maxaabis wareejinta ayaa lagu waday in uu dhaco isbuucaan laakin waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana laga dhigay isniinta soo socota, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Suudaan.
Ciidmada Suudaan ayaa sheegay in tillaabaadan caddayn u tahay sida Suudaan ay diyaar ugu tahay deris wanaag iyo iskaashiga labada dowladood.
Bilihii lasoo dhaafay, wax aka socday xuduudda Suudaan iyo Itoobiya isku dhacyo hubeysan, iyadoo Suudaan sheegatay in ay soo ceshatay dhul hore looga hestay.
PUNTLAND POST