11 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen galbeedka itoobiya kaddib markii la weeraray mid kamid ah gaadiidka dadweynaha qaada ee loo yaqaan Bas-ka.
Saxaafada itoobiya ayaa sheegtay in weerarku ka dhacay gobalka Benishangul-Gumuz halkaas oo basku marayay.
Madaxa amaanka gobalka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jira muwaadiniin u dhashay dalka shiinaha.
Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Gobalkaan Benishangul-Gumuz ay maalmahaan ka dhacayeen dagaal ku saleysan qabaa’ilada ka jira degaanka.
PUNTLAND POST