Dad lagu laayay gudaha Itoobiya

11 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen galbeedka itoobiya kaddib markii la weeraray mid kamid ah gaadiidka dadweynaha qaada ee loo yaqaan Bas-ka.

Saxaafada itoobiya ayaa sheegtay in weerarku ka dhacay gobalka Benishangul-Gumuz halkaas oo basku  marayay.

Madaxa amaanka gobalka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jira muwaadiniin u dhashay dalka shiinaha.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Gobalkaan Benishangul-Gumuz ay maalmahaan ka dhacayeen  dagaal ku saleysan  qabaa’ilada ka jira degaanka.

PUNTLAND POST