
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Taliye ku xigeen Boolis u magacaabay gobolka Karkaar.
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa G/sare Jaamac Cismaan Axmed loogu magacaabay Taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Karkaar.
Madaxweyne Deni ayaa 4-tii bishan April, Taliyaha qeybta Booliska gobolka Karkaar u magacaabay G/sare Cabdi Casayr Yuusuf, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyey qaar kamid ah taliyeyaal qeybeedada gobolada.
Hoos ka akhriso digreetada lagu magacaabay Taliye ku xigeenka.
Garoowe: 19, April, 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 19ka April, 2020, ku magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Gobolka Karkaar.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa G/sare Jaamac Cismaan Axmed loo magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna Saxiixay.
PUNTLAND POST