Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa is bedel ku sameeyey qaar kamid ah Taliyeyaasha qeybaha Booliska ee gobolada Puntland.
G/sare Muumin Cabdi Shire oo ahaa Taliyihii qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa loo bedelay gobolka Mudug, halka G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir oo ahaa Taliyaha qeybta Booliska Karkaar loo bedelay Taliya qeybta Nugaal.
Sidoo kale Taliyaha qeybta Booliska gobolka Karkaar ayaa loo magacaabay G/sare Cabdi Casayr Yuusuf.
Waxaa xilkii laga qaaday Taliyihii qeybta Booliska Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad).
Hoos ka akhriso digreetada
Garoowe: 04 April 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saaray , Xeer Madaxweyne Lr. 25 iyo Lr.26 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug.
- Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
- Waxaa G/sare Cabdi Casayr Yusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
=DHAMMAAD=
PUNTLAND POST