Jubaland oo faahfaahisay hawlgal ciidamadeedu ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowlad goboleedka  Jubbaland ayaa ka warbixisay howlgal ka dhan ah Al-shabaaboo ciidamada Jubaland ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan gobolada Gedo iyo Jubadda Hoose.

Cabdinuur Ibraahim  oo ah Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubaland  oo la hadlay  Warbaahinta magaaalada Kismaayo ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalladaasi.

Af-hayeenka ayaa   sheegay in howlgaladaas ay ciidamadu ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab isagoo  tilmaamay in Ciidamada kula wareegeen saanad milateri oo badan.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Yaaq Bishaaro,Cabdalla Biroole iyo tuulooyin hoos yimaada  degmada Jamaame eek u taalla Koonfurta gobolka Jubada Hoose.

PUNTLAND POST