Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka warbixisay howlgal ka dhan ah Al-shabaaboo ciidamada Jubaland ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan gobolada Gedo iyo Jubadda Hoose.
Cabdinuur Ibraahim oo ah Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubaland oo la hadlay Warbaahinta magaaalada Kismaayo ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalladaasi.
Af-hayeenka ayaa sheegay in howlgaladaas ay ciidamadu ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab isagoo tilmaamay in Ciidamada kula wareegeen saanad milateri oo badan.
Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Yaaq Bishaaro,Cabdalla Biroole iyo tuulooyin hoos yimaada degmada Jamaame eek u taalla Koonfurta gobolka Jubada Hoose.
PUNTLAND POST