Golaha deegaanka Garowe oo amray in shaqada laga ruqseeyo dhamaan agaasimayaasha dowladda hoose

Golaha deegaanka ee degmada Garowe ayaa maanta ku dhawaaqay in kalsoonidii lagala noqday dhammaan agaasimayaasha dowladda hoose ee Garowe, kadib markii lagu eedeeyay inay ku fashilmeen shaqadoodii.

Kalsooni kala noqoshadaan ayaa qeyb ka ahayd go’aamadii kasoo baxay shirkii kalfadhiga Golaha deegaanka Garowe oo maanta lasoo gabagabeeyay.

Golaha deegaanka ayaa duqa Garowe ku amray inuu si degdeg ah ku shaaciyo warqada lagu ruqsaynayo agaasimayaasha lana xayeysiiyo inay banaan yihiin oo lasoo codsan karo boosaskooda.

Sidoo kale, Golaha deegaanka ayaa mamnuucay in wax tuulo ah oo dambe laga aas aaso deegaanada hoos yimaada magaalada Garowe. Waxaa kaloo ay go’aamiyeen in canshuur dheeraad ah laga qaado gaadiidka xaabada gura.

Halkaan ka daawo muuqaalka go’aanka golaha degaanka.

PUNTLAND POST