Muqdisho (PP) ─ Qarax culus oo jugtiisa laga maqlay inta badan xafadaha Magaalada Muqdisho ayaa goor-dhaw ka dhacay agagaarka taliska booliiska Somalia, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha uu dhaliyay.
Goobjoogayaal ku sugan agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in jugtiisu aad u xoogganayn uuna baabi’iyay guyaha ku dhaw halka uu ka dhacay, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha nafeed ee uu dhaliyay qaraxan.
Qaraxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay inta badan waddooyinka caasimadda la xiray, lamana oga halka uu qaraxan ka yimid iyo cidda ka dambeysa.
Hay’adaha amniga Dowladda ayaan weli ka hadlin Qaraxan, waxaana tani ay shaki badan gelinaysaa shaqooyink hay’adaha amniga dalka, kuwaasoo lagu dhaliili jiray inay mas’uuliyad ku leeyihiin amni-darrada ka dhacaysa Xamar oo ah caasimadda Somalia.
Haddana wixii warar ah ee Qaraxan kasoo kordha kala soco Wararka soo socda ee Puntland Post.
PUNTLAND POST