Marko (PP) ─ Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay dulleedka degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hooe ku qowracay laba qof oo raashin u waday degmadaas oo ay gacanta ku hayso Dowladda Somalia.
Labada qof ee la gowracay ayaa la sheegay inay gaari-dameerro ku wadeen raashin, iyadoo lagu qabtay deegaanka deegaanka Buulo-dhurrow, waxaana deegaanka uu u dhaxeeya Janaale iyo deegaanka Buufow Bacaad.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in labada qof ay qabteen xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, isla markaana ay ku gowraceen deegaanka, waxayna kasoo horjeedeen raashiinka ay u wadeen Marko.
Sidoo kale, Kooxda Al-shabaab ayaa horay u mamnuucay in gudaha Marko aysan geli karin gaadidika raashin wada, waxaana arrintaan loo aaneynayaa inay ka dambeysay amarkii ay horay u soo saareen.
Dhanka kale, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan degmada Marko ayaan wali ka hadlin dilka labadan qof ay Al-Shabaabku ugu gaysteen dulleedka degmada Marko.
Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab ayaa go’doomiyey deegaano dhawr ah oo ka tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool, iyagoo diday inay u gudbaan raashin, waxaaa taasi ay keentay in xaalado cunno-xumo ay lasoo darsaan dadka ku nool deegaannadaas.
PUNTLAND POST