Duqeyn cirka ah oo ka dhacday Hiiraan

Wararka ka imanaya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa diyaarad dagaal ay duqeyn culus ka fulisay dhul miyi ah oo 15km u jira deegaanka Ceel Cali ee gobalkaas.

Saraakiil ka tirsan maamulka gobalka Hiiraan iyo ciidamada xooga dalka ayaa xaqiijiyey in duqeynta uu ku dhintay Amiir dhanka lacagta u qaabilsanaa Al-shabaab iyo tiro askar ah oo goobta ku sugaan sida ay sheegeen.

Masuuliyiinta ayaa ka cudurdaartay in ay faahfaahin intaasi ka badan ay bixiyaan, iyaga oo sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan.

Dowlada Mareykanka ayaa duqeymo ay la bartil-maameedsato Al-shabaab ka fulisa qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST