Dowladda Soomaaliya oo dalka ka eriday Wakiilkii Qaramada Midoobay

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1da Janaayo 2019ka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo xiganaysa heshiisyada caalamiga ah ee ku salaysan xiriirka cilaaqaadka diblomaasiyadda caalamiga ah, waxay Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom.

Go’aankani waxa uu salka ku hayaa kadib markii uu si cad u jebiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si bareer ahna u farageliyay madax banaanida dalka.

Hoos Ka Aqriso

DHAMAAD

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho